Shan gabdho Soomaali ah oo lagu dilay Mareykanka oo manata lagu aasayo Minnesota

Jun. 19 (Jowhar.com)-Aaska shan gabdhood oo Soomaali ah dhawaanna ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay gobolka Minnesota, ayaa maanta salaadda duhur kadib xilliga Mareykanka lagu wadaa inuu ka dhaco gobolkaas, iyadoo la filayo iney ka qayb galaan dadkii ugu badnaa. Geerida gabdhahaan ayaa si weyn u gilgishay Soomaalida Mareykanka.

Xarunta Islaamka ee Dar Al Farooq ayaa gabdhahan ku sheegtay inay kala ahaayeen Sabiriina Cali, Sahra Geesacadde, Salma Cabdulqaadir, Sagal Xirsi iyo Sihaam Aadam.

Sabiriina ayaa dhowaan ka qalin jebisay Iskuulka Edina High School waxayna qorsheyneysay inay ku biirto Jaamacadda Minnesota.

Sahra poo 20 jir ahayd, ayaa iyadana dhiganeysay Jaamacadda U of M Rochester.

Salma oo iyadana 20 jir ahayd, ayaa dhiganeysay Kuleejka Normandale.

Sihaam oo 19 jir ahayd, ayaa dhiganeysay Jaamacadda U of M.

Sagal oo 19 jir ahaydna waxay dhiganeysay Kuleejka Minneapolis.

Shantan gabdhood ayaa ahaa saaxiibbo aan kala harin waxayna isu diyaarinayeen arooska saaxiibbadood oo shalay dhici lahaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More