Shan kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka oo maanta lagu dooranayo Garowe

Shan kursi oo kamid ah Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto Caasimadda maamulka Garowe.

Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Puntland, ayaa shalay dhammaystiray diiwaan-gelinta dadka u sharraxan Kuraastaas, ee buuxiyay Shuruudaha laga doonayo.

Shanta kursi ee maanta lagu dooran doono Garowe ayaa waxa ay wararku sheegayaan in ay yihiin kuwo dad gaar ah loo xirey oo tartan xoog leh aanu ka dhici doonin.waxa ay kala yihiin kuraastan,
#Hop196
#Hop166
#Hop249
#Hop200
#Hop235

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More