Shariif Sheekh Axmed iyo Laftagareen oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho

Madaxweynihii hore Soomaaliy Sheekh Shariif Shekh Axmed iyo Madaxweynaha Dowad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Muqdisho kula ku saabsan arrimaha doorashooyinka maanta ku yeeshay.

Kulanka Madaxda oo qaatay Saacado ayaa waxaa ay iska xogwaraysteen Xaalada Dalka Hormarka laga gaaray Arimaha Doorashooyinka iyo sida hore loogu socon lahaa

Madaxweynihii hore Soomaaliya haatana ah gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Shekh Axmed ayaa Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ku bogaadiyey dadaalka uu ugu jiro sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho wada ogol ah horena loogu socon lahaa.

 

Midowga Musharxiinta uu hogaamiyo Sheekh Shariif ayaa shaki badan ka muujiyay sida ay ku socdaan doorashada golaha Shacabka, waxa ayna ku eedeeyeen dib u dhaca doorashada Dowlada iyo maamul goboleedyada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More