Sheekh Aadan Madoobe oo Riyaadh kulan kula leh gudoomiyaha baarlamaanka Sucuudiga

Jun. 04 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay gaaray magaalada Riyaad ee caasimada Boqortooyadda Sacuudi Carabiya.

Mas’uuliyiintan waxaa garoonka diyaaradaha Riyaad ku soo dhaweeyay Madax ka socotay Baarlamaanka Sacuudiga, Sii-hayaha Safaarada Soomaaliya ee Sacuudiga iyo saraakiil ka tirsan safaarada.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo booqasho rasmi ah Ku tagay Boqortooyadda Sacuudiga ayaa kulamo miradhal ah la qaadan doona dhigiisa dalkaas Mudane Dr Cabdullaahi bin Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh.

Sida xogaha la helayo ay sheegayaan, kulamadooda waxey diirada ku saari doona xoojinta wadashaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More