Sheekh Shariif oo la kulmay maanta Safiirka cusub ee Maraykanka Larry Andre

Mar 3 (Jowhar.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta xarunta Safaaradda dowladda Mareykanka ee dalka Soomaaliya kulan kulmay Safiirka cusub Larry’ Andre.

Sheekh Shariif iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka, dhameystirka doorashooyinka caqabadaha hortaagan iyo Amniga, iyo weliba sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray. dhismaha nabadda iyo geedi socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa ayuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ku yiri; “Waxaan maanta xarunta Safaaradda dowladda Mareykanka kula kulmay Safiirka cusub Mudane Larry’ Andre, Waxaan ka wada hadalnay xaaladda dalka, dhameystirka doorashooyinka caqabadaha hortaagan iyo Amniga, Waxaan uga mahad celiyay taageerada dowladda Mareykanka ku bixiso dhismaha nabadda iyo geedi socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More