Sheekh Shariif “Waxaa ka digeynaa muddo kordhin sharci darro ah, haddii…”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay isku day kasta oo muddo kordhin sharci darro ah, maasaama uu waqtigii ka dhacay Madaxweynaha, goloyaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe.

Sheekh Shariif ayaa nasiib darro ku tilmaamay in iyadoo ay ku beegan tahay munaasabadda Ciidanka Xoogga Dalka ee 12 April in madaxtooyadu isku daydo in ay ku boobto awoodda ciidanka muddo kordhin aan sharci ahayn, taasoo keeneysa in dib loogu laabto dariiqii xumaa ee laga yimid.

“Waxaan aaminsanahay inay tahay Khiyaano Qaran in iyadoo doorashada laga heshiin karay oo ay dowladdu dayacdey in maanta la isku dayo muddo kororsi, waxaana leenahay hogaanka dowladda waqtigeedu dhamaadey waad ambateene soo noqda, oo Soomaaliya ha u horseedina inay dib ugu laabato wixii laga yimid”ayuu yiri Sheekh Shariif oo caawa shir jaraa’id qabtay.

“Dalkaan ma qaadi karo xil kordhin iyo boob doorasho, dhaqaala ahaan, siyaasad ahaan iyo amni ahaanba, waa dal dowladnimadiisa weli ay curdan tahay, oo ubaahan in laga fikiro cawaaqibka xun ee ka dhalan kara talaabooyinka aan ka fiirsashada lahayn ee madaxdii hore ay ku dhaqaaqayaan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in ummadda Soomaaliyeed, Maamulada xubnaha ka ah dowladda dhexe, iyo Beesha Caalamkuba ha ogaadeen wixii ka dhasha muddo kororsigaas in aan lala wadaagi doonin Madaxdii hore ee ku fashilantay dowladnimadii lagu aaminay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More