Shir looga hadlayo Arrimaha Waxbarashada wadamada Islaamka oo ka furmay Qaahira

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji iyo wafdi uu hogaaminayo oo xalay gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa maanta ka qeybgalay shirka 14aad ee ururka Waxbarashada, Hiddaha iyo Cilmiga u qaabilsan wadamada Islaamka ee loo-soo gaabiyo (ICESCO), kaasi oo Magaalada Qaahira ka furay Madaxwaynaha Dalka Masar mudane Cabdifitaax Alsiis.

Wasiirka Waxbarashada Eng Cabdullahi Carab oo warbixin ka siiyay ururka (ICESCO), horumarada Waxbarashada, Hiddaha, Cilmi baarista dalka, ayaa u sheegay in Waxbarashada Soomaaliya ay sameyneysay xaalad soo kabasho ah sidoo kalana dowladda ay hiigsaneyso in ay horumariso Waxbarashada iyo Cilmi-baarista.

Wasiirka Waxbarashada iyo wafdigiisa ayaa inta ay joogaan magaalada Qaahira ee dalka Masar waxaa ay la kulmi doonaan dhigagooda Wasaaradda Waxbarashada Dalka Masar iyo madax kala duwan oo ka socda Wadamada Islaamka.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More