Shirka Dhuusamareeb oo ku soo dhamaaday natiijo la’aan

Shirkii dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay uga socday magaalada Dhuusamareeb madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada, iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku soo gabagaboobay natiijo la’aan.

Wasiirka warfaafinta Dowlada Federalka Cusmaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id qabtay xalay xilli dambe ayaa sheegay Dubbe ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu maanta qudbad uu u jeedinayo golaha baarlamaanka shirkana muddo aan la cayimin la isku soo laabanayo.

Wasiir Dubbe ayaa ku eedeeyay hoggaanka Jubbaland inay diideen dhammaan qodobada xalka u ahaa arrinta Gobolka Gedo, isagoo intaa ku daray inay tuhunsan yihiin inay dalal shisheeye dabada ka riixayaan in aan arrinta si fudud ku dhammaan, kana hortaagan yihiin inay doorashadu dhacdo.

Qodobada shirka ee lagu heshiin waayay ayaa waxaa ka mid ahaa arrinta gobolka Gedo,xildhibaanada gobolada waqooyi iyo guddiyada doorasho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in qudbad uu jeediyo golaha baarlamaanka iyadoo wararku ay sheegayaan in uu Madaxweynuhu ka codsado muddo kordhin maadaama muddo xileedkiisu uu ka harsan yahay muddo labo cisho ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More