Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo galay maanta maalintii saddexaad

Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ayaa maanta galay maalintii Saddexaad.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalaya Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha, Galmudug, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubbaland iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Waxaa lagu wadaa in maanta ay shirka ku biiraan ururada bulshada rayidka ah iyo weliba ururada haweenka.

Shirka ayaa waxaa shalay ku biiray oo ka qeyb galay Wakiilo ka socday Beesha Caalamka iyo Midowga Musharrixiinta.Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in laga yaabo in gelinka dambe ee maanta la soo geba-gabeeyo, isla markaana laga soo saaro Wamurtiyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More