Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmaya Muqdisho

Shirka Golaha wada tashiga Arimaha Doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul goboleedyadda Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda ka furmo Muqdisho.

Inta badan Madaxda maamul goboleedyada ee shirkan ka qeyb galeysa ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo dhinaca kale la filayo in uu madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen maanta soo gaaro Muqdisho si uu uga qeybgalo shirka.

Shirkan ayaa waxaa shir guddoomin doona markii ugu horeysay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyadoo shirkan uu hore u shir gudoomin jirey Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More