Shirkadda Hormuud oo ka hadashay Qarax ay ku dhinteen lix ka mid ah shaqaalaheeda

CREATOR: gd-jpeg v1.0 (using IJG JPEG v80), quality = 82

April 28 (Jowhar.com)-Shirkadda Isgaarsinta Hormuud ayaa sheegtay in lix ka mid ah shaqaalaha Shirkadda ay ku dhinteen qarax galabta lagula eegtay deegaanka Garasbaalley ee duleedka Muqdisho.

Qoraalka ka soo baxay Shirkadda Hormuud ayaa lagu sheegay in dadka ku dhintey qaraxa ay ahaayeen shaqaale saarnaa gaari iyagoo ka soo baxay xarunta shirkada ee Garasbaaley kuna sii jeeday xarunta weyn ee ay ku leedahay shirkada Hormuud Ceelasha Biyaha.

“Waxa aan ehellada, asxaabta, shaqaalaha shirkadda, iyo bulshada Soomaaliyeed uga tacsiyeynaynaa geerida shaqaalihii ku naf waayay falkaan gurracan, waxaana Alle uga baryeynaa in uu Janatul Fardowsa ka waraabiyo” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay shirkadda Hormuud.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ay soo saartay Shirkadda Hormuud;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More