Shirkadda Isgaarsiinta Somtel oo toddobaadkii 12aad abaalmarisay ku dhawaad 1000 macaamiil

Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa abaalmarisay ku dhawaad 1000 macaamiil Todobaadkii 12aad MunaasabadLagu qabtay beerta nabada ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibaano ,Mas’uuliyiinn ka socotay Jaamacadaha Muqdisho, Gudiga shaqaalaha rayidka Ururada dhalinyada ,Ururada bulshada rayidka Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta somtel,.

Ugu horeyntii Waxaa Munaasabada hadal-jeedin rasmi ah ka sameeyay Madaxa Suuqgeynta shirkadda isgaarsiinta somtel Mudane Axmed Ciise Xaaji Oo aad u bogaadiyaya Somtel kuna Tilmaamay Ololaha ku Shubo Oo Guuleyso 10,000 Hadiyadood Mid ay U baahnaayeen bulshada soomaaliyeed macamiil walba oo sameeya ku shubasho Wuu u tartami karaa

“Waa barnaamij macaamiisha si daah-furan nasiibkooda u tijaabiyaan iyagoo sameeynaya ku shubashada karaka ku hadalka & Data internet-ka Kuna helayaan hadiyado qaali ah sida gaariga Hyundai-ga Waxaan balan qaadeeynaa inan galabta oo jimco ah (08/10/2021) si rasmi ah ugu dhawaaqno macaamiilkii ku guuleystay gaariga Hyundai Waliba Nuuca shaqada iyadoo macaamiisheenuu u furantahay fursadaan qaaliga Waxaan aad ugu faraxsanahay inay ku tartameen macaamiisheena ku dhaqan Magaalada Muqdisho & kuwa gobalada. Waxaan shaqo abuur u sameeysay dhalin yaro soomaaliyeed qaarkood iyagoo wax bartay xaafadaha iska fadhiyay waxaan bixinay Dhowr & labaatan bajaaj todobaad kasta labo bajaaj ayey macaamiishu ku guuleystaan waxaan bogaadinayaa inaan badbaadinay qoysas soomaaliyeed oo ay soo food saartay xaalado nololeed. Waxaa sidoo kale xusid mudan dhamaan hadiyaha aan bixinay waxa ay ka jawaabayaan baahida macaamiisha sida bajaajyada dahabka & Deeqda jaamacadeed”

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka jaamacada simad ahna ku simaha gudoomiyaha guud ee jaamacada Dr Maxamed Maxamuud oo ku dheeraaday ahmiyada Ololaha Ku shubo oo guuleeyso 10,000 Hadiyadood

“Waxaan u hambalyeeynayaa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ah Shirkadii ugu horeysay ee macaamiisheeda kucelisa10,000 Hadiyadood daqligii yaraa ay macaamiisha shirkadda ku soo celiyeen waa talaabo bogaadin-mudan waxaan marqaati ka nahay in macamiisha guuleysatay si toos ah loogu wareejiyay abaalmarinadii ay ku guuleysteen Waxaa Sharaf gaar ah in shirkaddu nagu maamuusto inaan gacanteena ku generate gareyno macamiilka ku guuleystay gaariga Hyundai bishii 2aad laguna magacaabo C/raxmaan Nuur Maxamed oo ku nool Magaalada Buur-Hakaba ee gobalka Baay oo aan waqti dheeri ah siiyay si system-ku u wada maro dhamaan Nambarada Sameeyay ku shubashada waxaan leeyahay waa tartan daah furan anigoo matalayy bahda waxbarashada ayaan gacanteyda ku generate gareeyay waxaa ku guuleystay macaamiil joogo gobalka baay waxaan leeyahay nasiib wacan”

Waxaa Sidoo kale munaasabada ka hadlay mudane: Aadan Macalin Janaay oo ka socday Gudiga Shaqaalaha rayidka waxa’ ay shirkaddu nagu sharaftay inaan si toos ah u gudoonsiino macaamiisha guuleysatay todobaadkii 12aad Waxaan rajeeynayaa in todobaad kasta si gaar ah uga soo qeyb-galo Si dhow ayan ula soconayaa ololahaan shirkaddu ku abaalmarineeyso macaamiisheeda sharafta leh abaalmarino wax ku ool sida: gaariga Hyundai-ga, bajaajyo, Dahab, Laptop-yo I.w.m ”
Waxa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Mudane:;C/laahi Cali Caamir oo ah Madaxa waaxda ganacsiga ee shirkadda isgaarsiinta Somtel.

“Waxaan bogaadinayaa Saameynta Togan Ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 Hadiyadood waliba macamiisheena ku guuleysatay hadiyadaha qaaliga sida, gaariga Hyundai ee bishii hore macaamiilkii ku guuleystay Mamao beeraleey ah oo ay shirkaddu ku abaalmarisay waa wax lagu faani karo in macaamiishii ugu Mudneyd ee shirkaddu ku abaalmarisay Nasiibkooduna uu saaciday waxaa xusid mudan in galabta aan bixinay gaarigii labaad oo Hyundai ah uu markii labaad ay ku guuleysteen Qof ka mid ah macaamiisheena ku dhaqan gobolada laguna magacaabo C/raxmaan Nuur Maxamed oo joogo magaalada buur-hakaba ee gobalka baay waxaan bixinay todobaadkan bajaajkii 23 aad taasoo macnaheedu yahay inaan fursado shaqo u abuurnay 23 qoys iyo 23 dhalinyaro oo qaarkood jaamacado ka baxay xaafadahooda iska joogay shaqo abuur rasmi ah u sameeysay shirkadda isgaarsiinta somtel”

Waxaa sidoo kale munaasabada ka hadlay e C/raxmaan Nuur Maxamed o ku guuleystay gaariga Hyundai ee todobaadkan

“Magaceygu waa C/raxmaan Nuur Maxamed filaneynin ijn somtel igu abaalmarineyso gaariga Hyundai waxaan uga faa’ideynayaa ehelkeyga waa shaqo abuur aan aad ugu baahi qabnay xaqiiqdii marka somtel wey ku mahadsantahay inay macaamiisheeda dhiiragelin la taaban karo ay u sameeysay waa wax lagu faano waa markii ugu horeysay ee macamiil joogo gobalka baay uu ku guuleysto gaari Hyundai ah waliba nuuca ganacsiga loogu talagalay ee dhikiilada loo yaqaano waxaan rajeeynayaa in isla todobaadkaan shirkaddu tikid ii jarto waliba xamar aan imaado oo aan gudoomo hadiyadii ay shirkadu igudoonsiisay”

Isku soo wada duuboo Dhamaan macaamiisha Shirkadda Somtel waxaan u rajeynaynaa inay ku guuleystaan 10,000 hadiyadood , Shirkaddu ugu talagalnay Macamiisheeda sharafta leh hadiyadahaan oo Ugu sareeyo gaariga hyundai kaasoo todobaadka aan bixinay gaarigii labaad waxaan leenahay macaamiisheena ka faa’ideysta Ololaha ku shubo oo guuleyso 0, hadiyadood macaamiil Waad u u tartami kartaan fadlan samee ku shubashasho karaka hadalka ama data internt adigoo uga shuban kara adeegga eDahab *101# ama ku shubo scratch card-ka la xoqdodo, ugu dambeyntii uga shubo adeegga eDahab Reseller

Waxaa xusid mudan in gaariga Hyundai bishii 2aad lagu guuleystay shirkadda somtel ay ku bixin doonto xaflad balaaran taasoo lagu qaban doonto mid ka mid ah hoteelada ugu casrisan ee magaalada muqdisho hadaba si dhow ula soco munasabadaan loo madlanyahay dhawaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More