Shirkii uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo oo markii 3aad fashilmay

Waxaa markii 3aad fashilmay shir uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo inay isugu yimaadaan DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ka dhaca Muqdisho.

Shirkan oo ku muddeysnaa maanta oo khamiis ah taariikhduna tahay 4 bisha March ah ayaa waxaa ka baaqsaday Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo dalbaday in waqti la siiyo shirka Ra’iisul Wasaaraha iyo Musharaxiinta, sidoo kale soo jeediyay in shirka lagu qabto goob ammaan ah oo ka mid ah Garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale waxaa safar ugu maqan dalka Turkiga Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Waa markii 3aad ee Madaxweyne Farmaajo shir uu iclaamiyo uu baaqdo, kaddib wixii ka dambeeyay markii uu muddo xileedkiisa dhammaaday 8 February, waxaana ay muuqataa mid calaamad su’aal gelineysa awooddiisa dowladnimada, maadaama muddo xileedkiisa dastuuriga ahaa uu dhamaaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More