Siciid Deni oo ka hadlay dagaaladii ka dhacay Boosaaso

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa ka hadlay dagaaladii ka dhacay magaalada Boosaaso iyo mowqifka Maamulka Puntland.

Siciid Deni Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dagaalka waxana uu ugu baaqay shacabka ka barakacay Boosaaso in ay guryahooda ku noqdaan, wuxuu amray in berri laga bilaabo dib loogu furo dhammaan xarumaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee bixiya adeega dadweymaha.

Madaxweyne Deni ayaa xusay in Odayaasha dhaqanka maamulka Puntland uu ku taageeri doono in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo in dib loo soo celiyo dadkii magaalada ka barakacay.

“Waxaan halkan ka amrayaa in ciidan xabad ridi kara aysan jirin, waana in ay ku sugnaadaan goobohooda joogaan, waxaan ugu baaqayaa Dadki barakacay in ay soo laabtaan” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in wax kasta oo dhacay ay ka dowlad ahaan diyaar u yihiin in xal nabadeed laga gaaro oo lasoo afjaro xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso.

Waxa uu si toos ah baaq ugu diray Agaasimihii uu xilka ka qaaday ee ciidanka PSF Maxamuud Cusmaan Diyaano oo hoggaaminaya ciidanka ka dagaalamaya Boosaaso.

“Waxaa ugu baaqayaa agaasimihii hore ee PSF oo runtii isaga, walaalkiis iyo aabihiis ay waqti badan ka soo qeyb qaateen difaaca dalkaan, in taariikhdiisa uusan iska xumeyn, waan u nasteexeynayaa, dadka reer Puntland heer kasta ha joogee bulshada, sharciga iyo dowladnimadaa ka weyn,” ayuu hadalkiisii sii raaciyay Madaxweyne Deni.

Deni ayaa sheegay in wixii dhacay ay yihiin wax ku wada dhacay oo ka wada dhacay, qaladkana markiisa laga wada hadli doono, balse maanta aan la joogin waqti la is eedeeyo, maadaama ay dadkii shacabka ahaa duurka u baxeen oo xaalad adag ay wajahayaan.

“Waxaan idiin cadeynayaa dowladeydu waa dowlad nabadeed, nabadbaan dooneynaa, dhamaan ciidamada Puntland waxaan farayaa in nabad ay ku wada noolaadaan, arrintaana waxaan codsanayaa in si kale loo xaliyo, waana loo xali karaa, xalkana dowlad ahaan diyaar ayaan u nahay,” ayuu yiri Saciid Deni.

Dagaal socday muddo saddex cisho ah ayaa geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo weliba burbur hantiyeed iyo barakac.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More