Siciid Deni oo xilalkii ka qaaday maamulka iyo saraakiisha ciidanka gobolka Nugaal

June. 25 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa xilalkii ka qaaday maamulka gobolka Nugaal iyo taliska ciidanka ee gobolkaasi, iyagoo xubno cusub soo magacaabay.

Sida ku cad wareegto kasoo baxday madaxtooyada Puntland, Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Nugaal waxaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Abshir Faarax, halka ku xigeenkiisa 1-aad uu yahay Mukhtaar Faarax Jeer, waxaana ku xigeenka labaad ah Cabdiraxmaan Ciise Maxamed (Bariir)

Sidoo kale G/Sare Maxamed Cali Axmed waxaa loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Nugaal.

Arrimahan ayaa kusoo beegmaya xili wali ay ka jirto gobolka Nugaal xiisad salka ku heyso qabashada doorashada golaha wakiilada ee Puntland, waxaana xarunta gobolkaasi ee Garoowe dhawaan ka dhacay dagaal khasaare culus sababay.

Deni ayaa lagu soo waramayaa inuu dhaliilay hanaanka shaqo ee xubnahan intii colaada Garoowe ay taagneyd, waxaana uu tuhunsan yahay iney cilaaqaad hoose xubnahaasi ay la yeesheen mucaaradka Puntland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More