Somaliland oo sheegtay in dowladda Sucuudiga hakad galisay xoolihii looga dhoofin jiray dekeda berbera

Oct 04 (Jowhar.com)-Boqortooyada Sacuudiga ayaa hakisay Xoolihii ka dhoofi jiray dekedda Berbera ee waddankiisa loo iib gayn jiray sida uu xaqiijiyay wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland.

Wasiir Siciid Sulub, oo ku sugan xilligan Sacuudiga ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay carqaladaysay xoolaha Dekedda Berbera inkasta oo aannu sii faahfaahin sababta.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland ayaa sheegay in ay filayaan in dedaallo ay wadaan ay guullaystaan dhawaan ,Xoolahana la furo.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dawladda Soomaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More