Soomaaliya iyo Kenya oo Heshiis Ganacsi,Waxbarasho iyo Amni kala saxiixday

May 06 (Jowhar.com)-Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa galabta ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya heshiisyo is-afgarad oo ku saabsan dhinacyada, Arrimaha dibedda, Nabadgalyada, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Waxbarashada iyo arrimaha adeegga Bulshada.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Sooaamliya u saxiixay heshiiskan, halka uu Kenya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Musalia Mudavadi, heshiisyadan Is-afgarad ee ay gaareen labada dal, ayaa kor loogu qaadayaa xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Waxbarashada Kenya Mudane Ezekiel Machogu, ayaa kala saxiixday Heshiiska Is-afgaradka oo ku saabsan Iskaashiga Waxbarashada, Tababarka iyo Cilmi-baarista, kaas oo kor loogu qaadayo xoojinta iskaashiga dhinaca waxbarashada ee labada dal.

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, uu ku joogo dalka Kenya ee la xiriira adkaynta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada badan leh.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More