Soomaliya iyo Kenya Oo heshiis dhinaca Hawada ah kala saxiixday

Aug. 10 (Jowhar.com)- Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda Federaalka Soomaliya Fardowso Cusmaan Cigaal aya maanta heshiis Caalami oo wadaag ah oo la xiriira Hawada iyo Duulista la gashay dhiggeeda wasiirka Gaadiidka Kenya Mudane Kipchumba Mukomen.

Heshiiskan ayaa u gogal-xaaraya in diyaaradaha wata astaanta Soomaaliya ee la diiwaangaliyey duulimaadyo ku tagi karaan Kenya, tan oo qeyb ka ah daadaalada ay wado wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, kaas oo ku aaddan dhammaan diyaaradaha ka diiwaangashan Soomaaliya inay duulimaadyo caalami ah ka sameyn karaan. Sidoo kale waxa uu heshiiskan xoojinayaa wada shaqaynta duulimaadka labada dal iyo aqoon isweydaarsi.

Munaasabadda heshiiskan waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Soomaaliya ee Kenya Ambassador Tarsan iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Bashiir Macali cali Xasan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More