SSC Khaatumo oo war kasoo saartay dagaalka degmada Oog

Nov 22 (Jowhar.com)-Maamulka SSC Khaatumo ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray dagaalka saaka ka bilowday meel u dhow degmada Oog oo u dhaxeysa Buur-dharkeyn iyo Yeeyle ee gobolka Sool.

Waxay sheegeen in ciidamada Somaliland ay saaka weerar ku soo qaadeen degmada Yeeyle iyo goobo ay ku sugnaayeen wufuud nabadeed oo uu hogaaminayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, kuwaas oo la sheegay in sadexdii maalmood ee la soo dhaafay ay ku sugnaayeen deegaanadaas.

Weerarkii ka dhashay duullaankaas ayay sheegeen inuu weli socdo, kaas oo u dhaxeeya labada dhinac.

Waxay sidoo kale warsaxaafadeedka ku sheegeen in xoogagga SSC Khatumo ay gacanta ku dhigeen maxaabiis iyo gaadiid dagaal oo ay sheegeen inay saxaafadda u soo bandhigi doonaan saacadaha soo socda.

‘Maamulka SSC Khaatumo wuxuu ogeeysiinayaa dowladda federaalka iyo beesha caalamka inay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshiyaha deriskooda isla marakaana ay u hogaansamayaan xeerarka caalamiga iyo go’aanada golaha ammaanka’ ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More