Taliska Ciidanka Booliska oo ka hadlay qarax maanta ka dhacay Muqdisho

Apr. 03 (Jowhar.com)-Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin la bixiyey qarax galabta ka dhacay degmada Hodan, kaas oo sababay dhaawacyada seddax qof.
Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in Wadada KM4 wadada aada Tarabunka, gaar ahaan agagaarka xarunta CID-da ee ka soo horjeedka Hotel Giyajo, uu ka dhacay qarax ka dhashay gaari noociisu yahay JAMES oo xamuulka qaada, kaas oo ka mid ahaa kolonyo Ciidanka ATMIS qeybtooda Burundi.

“Qarax ayaa sababay dab gaariga qabsaday, isla markaana sababay dhaawacyo u badan gubasho gaartay ilaa 3-qof oo shacab ah oo goobta ka ag dhawaa, waxaana gurmad u fididiyey ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Ciidanka Booliska.

Booliska ayaa baaritaan ku haya sababta qaraxa dhalisay, sida lagu sheegay bayaanka.

Qaraxan ayaan la sheegin ay wax ku noqdeen ciidamada ATMIS ee gaariga saarnaa mana jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidamada ATMIS.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More