Taliyaha Booliska oo xilka ka qaaday Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir

Qoraal goordhow lagu daabacay barta Facebook ee Warbaahinta dowladda ayaa lagu shaaciyay in Taliyaha Booliska Soomaaliyeed uu xilka ka qaaday jen. Saadaq John oo ahaa Taliyaha Booliska Banaadir, saacado kaddib markii uu Taliyaha ku dhawaaqay in la joojiyay shirkii Baarlamaanka.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Banaadir Gen. Saadaq Cumar Xasan ayaa kahor inta aan lagu dhowaaqin xilka qaadistiisa waxa uu u sheegay in uu joojiyay kulankii Golaha Shacabka Baarlamaanka ee Mooshinka Doorashooyinka si aan Caasimadda uga dhicin Qalalaase.

General Saadaq ayaa wareysigiisa ku sheegay in Shacabka Gobolka Banaadir uusan xamili karin qalalaase maadaama Bulshada Caasimadda ay ka daaleen dhibaatooyinkii soo maray xalka muuqdana uu yahay in la joogteeyo qori isu dhiibka Doorashooyinka oo 4-tii sano mar dhaca.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More