Taliyaha Ciidamada Xoogga oo la kulmay Taliyaha Ciidamada gaarka ee Maraykanka

April 29 (Jowhar.com)- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa maanta kulan gaar ah oo looga hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab la qaatay Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Mareykanka Kornel David Haskell.

Taliye Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Saraakiisha Mareykanka ee qaabilsan Howlgallada gaarka ah wuxuu Kala hadlay inay ka qeyb qaataan dagaalka au ciidamada dowlada kula jirto kooxda Alshabaab,isagoo xusay inuu dhawaan bilaaban doono howlgalka.

Taliska Mareykanka ee Soomaaliya u jooga fulinta Howlgallada gaarka ah ayaa balan-qaaday inay diyaar u yihiin kaalintooda ku aadan howlgalka.

Booqashada Taliyaha ciidamada gaarka ee dalka Maraykanka Kornel David Haskell uu ku yimid dalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmeysa xilli dhawaan ay dowlada Soomaaliya qiratay in lagu takri falay saadka ciidamada Danab oo ay taageerto dowlada Maraykanka.

Lama oga in kulanka maanta ee saraakiishan ka kala socotay Soomaaliya iyo Maraykanka ay yeesheen inay ka wadahadleen arrimaha musuqmaasuqa ee ciidamada gaarka ah ee Danab iyo in kale.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More