Taliyaha NISA Mahad Salaad oo maanta kormeeray suuqa Bakaaraha

Nov 30 (Jowhar.com)-Agaasimaha Hey’adda NISA Mahad Salad ayaa maanta kormeeray isbedelka amni ee Suuqa Bakaaraha, halkaasoo muddooyinkii u dambeeyay amnigeeda uu soo hagaagay, isla markaana laga hortagay falalkii amni darada iyo dilalka kooxaha hubeysan ka geysan jireen.

Kormeerka Agaasimaha NISA ayaa sidoo kale ahaa mid uu ugu kuur-galayay wixii ka hirgalay amarkii Hey’adda ee ahaa in Ganacsatada goobahooda ganacsi ku xiraan kaamirooyink qarsoon ee loo yaqaan CCTV, si ay ugu qeyb qaadato sugidda amniga, nafta iyo hantida Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Suuqa ku ganacsanata

Intii uu Agaasimaha NISA ku guda jiray kormeerkiisa ayuu suuqa ku lugeeyay, waxaana uu si gaar gaar u arkay Ganacatada ku ganacsatada oo uu ka wareystay xaalada amni ee suuqa.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More