Taliyaha NISA oo dhisay Xafiis isku xiraya Dadweynaha iyo Hey’adda

Jun. 12 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,oo kormeer ku tagey xarunta Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa daah furay Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha.

Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha, ayaa shaqadiisu tahay qabashada cabashooyinka dadweynaha ee ku saabsan xadgudubyada ay galaan ciidamada NISA ee ka dhanka ah xuquuqda iyo xorriyaadka aas’aasiga ah ee muwaadiniinta, iyadoo dadweynaha Soomaaliyeed ay si toos ah u soo wici karaan xafiiskan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirodoonka Qaranka hirgelinta Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha oo ah mid sii adkaynaya kalsoonida ay shacabka Soomaaliyeed ku qabeen hay’adda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in horumar la taaban karo ay ku tallaabsatay hay’addu sannadihii dhawaa, waxuuna kula dardaarmay hoggaannada kala duwan ee hay’adda in ay sii xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan kor-u-qaadidda amniga Qaranka.

Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha ayaa tubtiisa shaqo ay tahay in Bulshada ku dhaqan Muqdisho iyo Gobolada dalka si sahlan u helaan hanaan ay ku soo gudbin karaan cabashooyinka falalka aan waafaqsaneyn sharciga Hey’adda ee ka dhaca ama ay ku kacaan Ciidamada/Saraakiisha Nabadsugida si ay sal adag u yeelato dhowrista xuquuqda muwaadinka iyo cid kasta oo sifo sharci ah ku joogto gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiskan ayaa abuuraya jawi kalsooni ka dhex bilowda bulshada iyo hey’adda Nabadsugida, isla markaana sahlaya hannaan wada shaqeyn iyo isku xirnaan, taasoo meesha ka saareysa xiriir la’aanta iyo cabsidii ku dhisneyd tacadiga ee lagala kulmi jiray Hey’adda.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More