Taliyaha Qeybta 27aad General Tredishe oo gaaray magaalada Buula-burte

Taliyaha Qeybta 27aad ee ciidanka dhulka xooga dalka Somaliyeed Gen, Axmed Maxamed Calasoow {Tareedishe} ayaa gaaray Degmada Buulaburde ee Gobalka hiiraan waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Qeybta 27aad ee ciidamada Xoogga dalka.

Taliyaha ayaa kulan la yeeshay saraakiisha ciidamada, isaga oo ku amaanay shaqada ay qaranka u hayaan Saraakiisha iyo ciidamada Qalabka sida.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu ku dhiira-galiyay ciidamada in loo adeego Qaranka lagana difaaco cid kasta oo wax u dhimaysa oo ay ugu horeeyaan Al-Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More