Taliyihii ciidamada nabadsugida Deyniile oo ku dhintey qarax miino

Taliyihii ciidamada Hay’adad Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka u qaabilsanaa degmada Dayniile ee gobolka Banaadir Abdishakuur Raage (Abdi Yare ) ayaa lagu diley qarax miino oo lala eegtay gaari uu watay.

Qaraxan ayaa ka dhacay sida la sheegay deegaanka Ceel Shaale ee duleedka degmada Dayniile iyadoo sidoo kale ay ku dhinteen qaraxan qaar ka mid ah ciidamadii ilaalada ka ahaa sarkaalkan.

Qaraxyada lala eegto gaadiidka ay ku safarayaan madaxda ayaa ku soo kordhaya degmooyinka gobolka Banaadir gaar ahaan degmada Deyniile oo hore loogu diley madax ka tirsan maamulka degmada Deyniile.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More