Taliyihii Ciidamada Nigeria Gen Attahiru oo shil diyaaradeed ku dhintey

Taliyaha ugu sareeya ciidamada Nigeria Lieutenant General Ibrahim Attahiru iyo saraakiil kale oo militari ah ayaa geeriyooday kadib markii diyaarad ay saarnaayeen ay ku dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Kaduna ee waqooyiga dalka Nigeria.

Diyaarada oo dooneysay inay soo cagodhigato garoonka Kaduna hase yeeshee cimilada oo xumeyd awgeed ayay dhacday iyadoo sidoo kale ay ku dhinteen toban sarkaal oo la socotay taliyaha.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Attahiru waxaa magacaabay Madaxweynaha Muhammadu Buhari bishii Janaayo iyada oo qayb ka ah isku-shaandheyn lagu sameeyay taliska sare ee millatariga si loola dagaallamo rabshadaha sii kordhaya, oo ay ku jiraan dagaalka in ka badan toban sano ee ka dhanka ah kooxda hubaysan ee Boko Haram.

Buhari, oo ahaa Jeneraal hore oo markii ugu horeysay la doortay sanadkii 2015-kii, ayaa waxaa saaran cadaadis badan oo kaga imaanayay mucaaradka sida dowladiisa ay u maareynayso dhibaatooyinka sii kordhaya ee amaanka ee dalka.

Hadal uu soo saaray, madaxweynaha wuxuu ku sheegay in shilka “uu ahaa mid halis ah islamarkaana yimid, xilli ciidamada qalabka sida ay diyaar u yihiin inay soo afjaraan caqabadaha amniga ee haysta dalka”.

Milatariga Nigeria waxay la dagaallamayeen Boko Haram illaa 2009, iyadoo dagaaladaana ay ku dhinteen in ka badan 40,000 ayna ku barakaceen ugu yaraan laba milyan oo ruux.
Attahiru wuxuu dhintay iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in hogaamiyaha Boko Haram Abubakar Shekau si xun loo dhaawacay ama suura gal tahay in la dilay kadib markii ay isku dhaceen koox ka soo horjeeday.

Abaanduulaha ciidamada ayaa mar hogaamiyay weerarka safka hore ee lagu qaaday dagaalyahanadii Shekau ee waqooyi bari sanadkii 2017.

Ilo wareedyo sirdoonka maxalliga ah ayaa sheegay in Shekau uu si xun u dhaawacmay toddobaadkan markii kooxda isku magacawday dowladda Islaamiga ee ISIL ee Galbeedka Afrika (ISWAP) ay weerartay dhufayskiisa oo ku yaal keynta Sambisa ee gobolka waqooyi-bari ee Borno.

Ilo wareedyadan ayaa sheegaya in Shekau uu is toogtay si uu isugu dayo inuu ka badbaado qabashada.

Hogaamiyaha Boko Xaraam ayaa hore dhowr jeer loo sheegay in la dilay tan iyo markii uu dagaalku bilawday, laakiin markii dambe uu soo muuqanayay.

Ciidanka Nigeria ayaa sheegay inay wali baarayaan warbixinada iyadoo ISWAP iyo Boko Haram midkoodna wax war ah ka soo saarin weerarkii Sambisa ama halka uu ku sugan yahay Shekau.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More