Tirada Falastiiniyiinta ku dhinta Qasa oo kor u dhaaftay 2,300 oo qof

Oct 15 (Jowhar.com)-Tirada dadka lagu dilay Marinka Qasa ayaa gaartay 2,300 oo qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta.

Guud ahaan, 2,329 oo Falastiiniyiin ah ayaa la dilay, 9,714 kalena waa la dhaawacay sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka.

Todobaad ayaa laga joogaa markii Xamaas ay weerartay Israa’iil halkaas oo ay ku dishay 1,300 oo Israa’iiliyiin ah kuwaas oo isugu jiray ciidan iyo rayid.

Israa’iil ayaa Marinka Qasa ku qaaday weerar xagga cirka oo aargudasho ah, waxayna isku diyaarinaysaa mid dhulka ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More