Trump oo lagu waayay dacwad ah inuu ka dambeeyay weerarkii Aqalka Kongreska

Aqalka sare ee Mareykanka ayaa shan maalmood kaddib soo afmeeray dacwaddii Donald Trump ee uu waday. Sida horayba loo saadaalinayey, go’aanka ugu dambeeya wuxuu noqday inuu wax lug ah ku laheen weerarki bishii hore lagu qaaday aqalka Koongreska Mareykanka.

Taariikhda Mareykanka waxaa horay uga dhacay afar iskuday oo xil ka qaadis madaxweyne ah, balse dacwadda Trump ayaa noqoneysa tii ugu dambeysay.

Trump ayaa markale ka guuleystay xisbiga dumuqraadiga dacwaddii ay la damacsanaayeen, kaddib marki ay si weyn u garab istaageen xubnaha xisbigiisa Jamhuuriga.

Codkii kama dambeysta ee amuurtan uu aqalka sare uu u qaadayna waxay ku dhammaatay diidma aqlabiyad oo ah 57/43 iyada oo dacawadda si ay u meel marto loo baahnaa cod aqlabiyad oo seddex meelood meel ah.

Biden inta ay dacwadda socotay wuxuu ka hadlay oo keli ah muuqaalki ku saabsanaa weerarkii taageerayaasha Trump ay u geysteen aqalka Koongreska ee marar badan laga sii daayey warbaahinta dalka Mareykanka.

Madaxwaynihi hore ee Mareykanka Trump ayaa intii uu xilka hayay waxaa la sheegay in ay sare u kaceen falalka cunsuriyadda.

Qareenada u doodaya madaxwaynihi hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ka jawaabay eedeymihii loo soo jeediyay ee xil ka qaadistiisa ay horey ugu sameeyeen aqalka wakiillada.

Qareennada ayaa waxay sheegen in taageerayaashiisa 6-dii bishii January weeraray xaruunta Congreska ay ahaayeen kuwa si iskood ah u sameeyay falkaasi oo uusan madaxwaynaha amrin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More