Turkiga oo ganacsato Soomaali ah ka masaafurinaya dalkiisa

Wararka ka imanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in ganacsato Soomaali ah lagu xirxirey magaalada Ankara dalka Turkiga, halka albaabada la isugu dhuftay goobahooda ganacsi.

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga Jaamac Caydiid ayaa sheegay in isbedelka ka dhacay Afgaanistaan uu dhaliyay in culeys xukuumadda Ankara ay saareen xubnaha mucaaradka si ay wax uga qabato Ajaanibta.

“Waxa aan ka war-helnay olole lagu uruurinayo Ajaanibta Ankara Joogta oo Soomaalidu qayb ka tahay, wixii ka dambeeyay isbedelka Afgaanistan waxaa xoogeystay qabqabashada dadka aanay u dhalan dalka, waxaa nala xiray sagaal ruux oo toddobo kamid ah waa rag halka labana ay dumar, balse waxaan ku guuleysanay ugu dambeyn in aan soo deyno” ayuu yiri Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga.

Ganacsatada Soomaalida ee la xirxirey ayaa la sheegay in dukumintiga ay wataan iyo howlaha ay hayaan aysan is waafaqsanayn.

“Dadka la xiray waxaa kaararkooda ugu qoran arday, caafimaad in uu ku yimid Turkiga, dalxiis iyo diblumaasiyiin, Dowladda Hoose ee Ankara ayaa ku doodeysa in shaqada ay hayaan dadkaan ee ganacsiga iyo kaararkooda iska hor imaanayaan” ayuu yiri Danjire Jaamac Caydiid.

Ganacsatada Soomaalida ah ee la xirxirey ayaa loo qabtay muddo soddon cisho ah inay ugaga baxaan dalka Turkiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More