Ugaas Maxamuud Cali oo xubin ka noqday Golaha Shacabiyada Shakhsiyaadka caanka ah ee IGAD

Feb. 01 (Jowhar.com)-Xoghayaha Guud ee Urur gobaleedka IGAD Dr. Workena Gebeyehu ayaa maanta si rasmi ah magaalada Mombasa ee dalka Kenya kaga daah-furay Golaha shacabiyada ee Shakhsiyaadka caanka ah ee IGAD.

Shakhsiyaadkan ayaa noqon doona ergeyda niyad-wanaagga ah, gaar ahaan arrimo ay mid yihiin cimilada, wax ka qabashada bini’aadannimada, dib-u-heshiisiinta iyo sidoo kale is-dhexgalka gobolka.

Dr Workena Gebeyehu ayaa hoosta ka xariiqay kaallinta ay ka qaadan karaan xasilinta iyo Horumarka dhinac walbo ee wakiillada, isagoo xusay inuu ku kalsoon yahay in gobolku uu guuleysto.

Shaqsiyaadka kasoo muuqday ee matalayay dalka Soomaaliya ayaa waxaa mid ah, Ugaas Cali Ugaas iyo Dr idil Osman oo qeyb ka ah horumarka Soomaaliya iyo heykalka dowlad dhiska.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo ka mid ah Duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ayaa loo aqoonsaday mid ka mid ah shakhsiyaadka muhiimka ah ee shaqada wanaagsan u qabta bulshada.

Warqad maanta ka soo baxday Urur Gobaleedka IGAD ayaa Ugaaska loogu magacaabay inuu xubin ka noqdo Gole cusub oo ay isugu imaanayaan shakhsiyaadka caanka ah ee loo tixgeliyay inay waxqabad weyn u hayaan bulshooyinka ku nool gobalka Bariga Afrika.

Shir ka dhacay Mombasa oo ay martigelisay Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu martiqaaday Duubabka dhaqanka iyo shaqsiyaadka u dhaq dhaqaaqa bulshada, waxaana golahan cusub ee loo yaqaano IGAD Council of Iminent Persons ayaa xubinnimadiisa waxa ay noqoneysaa muddo shan sano ah oo la cusbooneysiinayo hal mar oo kaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More