UK oo 5 Milyan oo Gini ugu yaboohday ciidamadda Soomaaliya

Sep 20 (Jowhar.com)-Dowladda Ingiriiska ayaa lacag dhan 5 milyan oo gini ugu deeqay Soomaaliya, iyadoo lacagtaasi loosoo marsiiyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS)

Arrintan waxa ay ka danbeysay kadib kulan gaar ah oo ay wada yeesheen La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali iyo Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka UK ee Arrimaha Caalamiga, Dame Sarah MacIntosh.

Waxa ay isku raacay in lacagtaan la doonayo sidii loogu taageeri lahaa ciidamada dowladda ee dagaalka adag kula jiro kooxda Al-Shabaab.

Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka UK ee Arrimaha Caalamiga, Dame Sarah MacIntosh ayaa sheegtay in taageeradan dhaqaale ay muhiim u tahay iskaahsiga amniga ee labada dowladooda oo kamideysan ciribtirka arggaixisada.

“Iskaashiga amniga ee UK iyo Soomaaliya waxa uu muhiim u yahay xasilinta iyo amniga Soomaaliya iyo gobolka,” ayay tiri Ms. Sarah MacIntosh.

Waxa ay hadalkeeda kusii dartay “Ingiriisku wuxuu sii wadi doonaa taageerada dadaallada ay Soomaalidu hormuudka ka tahay ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo soo celinta xasilloonida meelaha dib loo qabsaday ee dalka,” ayay hadalkeeda ku dartay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More