Waa kuma Shaqsiga la saadaalinayo inuu bedelo Angela Merkel?

Wasiirka Maaliyadda Jarmalka Olof Scholz ayaa lagu wadaa inuu soo dhiso dawlada cusub oo dalka Jarmalku yeesho, kadib markii uu xisbigiisa Social Democratic Party (SPD) ku hogaamiyay guul ciriiri ah doorashadii baarlamaanka ee shalay ka dhacday dalka Jarmalka.

Xisbiga SDP ayaa ku guulaystay 25.7% codadkii la dhiibtay, halka Angela Merkel oo hogaamisa xisbiga midigta dhexe ee Christian Democratic Union (CDU) uu ka helay 24.1%.

In kasta oo natiijada ay tahay mid xisbiga SDP uu kaligii dhisi karin dowlad balse waxa uu haystaa fursad ah inuu isbahaysi dowlad wadaag ah la sameysto xisbiga Green Party, oo helay 14.8% codadka, iyo Liberal Free Democratic Party (FDP) oo helay 11.5 % codka.

63-jirkan-oo muddo dheer xubin ka ahaa xisbiga SPD, wuxuu ku dhashay Galbeedka Jarmalka, halka haweeneydii 16kii sano ee la soo dhaafay madaxda ka ahayd Jarmalka Merkel ay ku soo barbaartay Jarmalka Bari.

Scholz wuxuu soo noqday wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumaddii ugu horreysay ee isbahaysiga Merkel dhammaadkii 2000 -meeyadii. Sannadkii 2011 waxaa loo doortay duqa magaalada Hamburg, xilkaas oo uu hayey illaa 2018.

Tan iyo markaas, wuxuu ka soo shaqeeyay ku-xigeenka jagada iyo wasiirka maaliyadda ee dowladdii weynayd ee isbaheysiga Merkel, oo ah jago awood badan ku leh siyaasadda qaranka Jarmalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More