Waalidiinta Muqdisho oo soo wajahday cabsi la xiriirta afduubka carruurta

Waxaa ku soo kordhaya magaalada Muqdisho wararka la xiriira afduubka loo geysanayo carruurta ku nool caasimada dalka ee Muqdisho.

Cabsidan ayaa waxaa sii xoogeeyay kadib markii baraha bulshada lagu soo daabacay afduubka carruurta gaar ahaan gabdhaha.

Shalay ayaa waxaa baraha bulshada qabsaday warar sheegaya in magaalada Muqdisho laga afduubtay gabar 16jir ah lana la’aa illaa maanta.

Hase yeeshee waxaa soo baxay warar sheegaya in gabadha oo magaceeda lagu sheegay Hibo Maxamed Xasan laga helay magaalada Guriceel oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Taliyaha ciidamada Booliska magaalada Guriceel ayaa sheegay in gabadhan ay la socotay gaari ka soo tegey Muqdisho ayna baaritaan ku sameynayaan.

Lama oga sida ay ku dhacday in gaari shalay ka tegey magaalada Muqdisho uu ku gaaray magaalada Guriceel oo caasimada dalka masaafo dheer waddooyinkuna yihiin kuwo burbursan meelaha qaarna ay roobab ka da’een.

Sidoo kale waxaa baraha bulshada qabsaday gabar laga afduubtay degmada Howlwadaag taasoo markii dambe sheegtay inay ka soo baxsatay.

“Sanka ayaa wax la ii mariyay waana miyirdoorsoomay baabuur ay haweeney wado ayaa la i saaraay laakiin gaariga ayaa cillad ka gashay kadibna waan ka soo cararay.”ayay tiri gabadha oo sheegtay inay ka soo baxsatay kooxdii afduubatay.

SI kasta ha ahaatee laamaha amniga ayaan weli ka hadlin wararkan la xiriira afduubka ku soo badanaya magaalada Muqdisho.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More