Wabiga Shabelle oo bilaabay inuu ku fataho xaafado ka mid ah Beledweyne

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in wabiga Shabeelle uu ku fatahay xaafado ka mid ah magaalada Beledweyne.

Qoysaska ku noolaa xaafadaha ay biyuhu gaareen ayaa bilaabay in ay ka barakacaan guryahooda iyagoo ka baqaya in ay halkaas ku go’odomaan.

Digniin uu soosaaray maamulka Gobolka Hiiraan maalmo kahor waxa uu ku muujiyay in biyo badan uu keenay Wabiga Shabeelle sidaas awgeed loo baahan yahay in laga hortago kahor inta aanay karkaarada jabsan.

Dadaalo badan oo la sameeyay ayaa suurtogeliyay in aysan sanadkan biyo badan ku fatahin magaalada Beledweyne inkastoo haatan la dareemayo cabsi la xiriirta fatahaada.

Wabiga Shabelle ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxa uu fatahaado ka sameynaya magaalada Beledweyne iyadoo inta badan magaaladana laga barakacayay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More