Wabiga Shabelle oo ku fatahay wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho(SAWIRO)

Wadada laamiga ah ee isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho ayaa waxaa jaray fatahaad uu wabiga Shabelle ka sameeyay deegaanka Baarey oo illaa 8km ka xiga dhinaca Waqooyi Bari magaalada Jowhar.

Gaadiidka rakaabka iyo xamuulka qaada ee ka dhex goosha magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho ayaa saaka istaagay inkastoo dadka rakaabka ah ay doon ka soo qaadayso magaalada ayna geyneyso deegaanka Koongo oo illaa lix km dhinaca Koofur ka xigta magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo mas’uuliyiin kale oo tagtay wadada laamiga ah,waxana uu ku baaqay guddoomiyaha in si wadajir ah wax loogu qabto dadka ay fatahaaduhu saameyeen isla markaana loo fududeyn lahaa isu socodka dadka.

Sidoo kale Kusimaha Wasiirka Beeraha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Bashiir Qaasim”Daqare”ayaa sheegay in fatahaadaha wabiga Shabelle ee deegaanka Baareey ay sababeen barakac iyo beero badan inay ku baaba’een.

“Saameynta fatahaadaha gobolka sh/dhexe gaar ahaan Jowhar iyo Mahaday Weyn waxa ay baabi’iyeen dhul beereed gaaraya 18000 hektar,waxaana ku barakacay 6740 qoys kuwaasoo ku kala noolaa illaa 19 tuulo,waxayna jareen biyaha wabiga wadooyinka isku xira Jowhar iyo Xamar iyo Jowhar iyo Mahadday.”ayuu yiri Wasiir Daqare.

Guddiga xirista buqda Baareey ayaa sheegay in ay rajo ka qabaan in lagu guuleysto xirista halka ay biyaha ka fataheen.

Magaalada Jowhar ayaa saddex jaho waxaa haatan uga hareereysan biyo ka soo fatahay wabiga Shabelle iyadoo dhinaca Bari oo kaliya ay magaalada u furan tahay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More