Wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho oo saaka xiran

Wadooyinka waaweyn ee caasimada dalka Muqdisho ayaa saaka xiran iyadoo wadooyinka qaar lagu gooyay gaadiid dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Booliska.

Wadooyinka la xirey ayaa waxaa ka mid ah wadada Maka Al Mukarramah iyo Jidka Wadnaha.

Dadka saaka goobahooda shaqo u kalahayay ayaa lugeynaya iyadoo wararku ay sheegayaan in loo xirey wadooyinkan kulanka golaha shacabka uu maanta yeelanayo.

Wadooyinka soo gala madaxtooyada ayaa sidoo kale waxaa lagu arkayaa saaka ciidamada Haramcad,waxaana jidgooyooyinka la dhigey warqado ay ku qoran yihiin magacyada 15 xildhibaan oo laga ganaaxay kulamada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More