Wakiilka cusub Qaramada Midoobe ee Soomaaliya oo soo gaartay Muqdisho

Jun. 05 (Jowhar.com)-Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee dhawaantan la magacaabay, Catriona Laing, ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo uu hoggaaminayay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa garoonka kusoo dhaweeyay, halkaasoo ay warbaahinta kula hadleen.

Catriona Laing ayaa ka mahad celisay soo dhaweybta diiran ee loo sameeyay, waxeyna sheegtay iney dhiig cusub kusii shubi doonto howlaha Qaramada Midoobe ay ka heyso dalkan.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan imaado, waxaana rajeynayaa inaan la shaqeeyo saaxiibada qaranka iyo kuwa caalamiga ah ee taageeraya shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.” Ayey tiri.

Si kastaba, Catriona Laing oo dhawaan madaxweyne Xasan u gudbin doonta warqadeheeda danjirenimo ayaa bedeshay wakiilkii Qaramada Midoobe ee dalka James Swan oo shaqadiisa Soomaaliya ay dhamaatay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More