Guddoomiyihii Deegaanka Garasbaaley oo qarax lagu diley

Wararka ka imanaya deegaanka Garasbaaley ayaa sheegaya in guddoomiyihii deegaanka Garasbaaley Cabdiraxmaan Garyare lagu diley qarax lala eegtay gaari ay saarnaayeen isaga iyo ilaaladiisa.

Qaraxan ayaa waxaa uu dhacay kadib markii uu salaadii Jimcaha ka soo baxay guddoomiye Garyare iyo labo ka mid ah ilaaladiisa.

Afar bil ka hor Gudoomiye ku xigeenkiisa iyo gudoomiyii dhalinyarada ayaa lagu dilay Qarax lagula eegtay isla Garasbaaley.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxan,balse qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waxaa sheegta dagaalamayaasha Alshabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More