Faahfaahin ka soo baxaysa qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa soo baxaya faahfaahin la xiriir qarax xooggan oo jugtiisa laga maqlay meelo fogfog ayaa goordhow ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo galbineysay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha dowlada federalka Duraan Axmed ayaa la sheegay inuu ka badbaaday qaraxan oo ahaa kuwa dhulka lagu aaso melaha fogfogna laga qarxiyo.

Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay aga-gaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim, iyadoo wararku ay sheegayaan in uu jiro khasaare ka dhashay qaraxan.

Qaraxyada noocaan ah ayaa ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana inta badan lala eegtaa mas’uuliyiin iyo Ciidanka Dowladda.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir ama hay’adaha amniga ee dowlada federalka ee ku saabsan qaraxan caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More