Akhriso Magacyada qaar kamid ah golaha Wasiirada oo goor dhow lagu dhowaaqayo

Waxaa lagu wadaa in goor dhow lagu dhowaaqo gole wasiiro oo ka kooban wasiiradii hore iyo qaar cusub.

Golahan wasiirada ee uu Ra’iisul Wasaare Roble magacaabayo ayaa waxaa xilalkooda weynaya qaar kamid ah golihi wasiiradii hore.

Xubnaha weynaya xilalkooda waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Islow Ducaale oo lagu bedelayo Xasan Xundubey Jimcaale oo ka mid ahaa saxafiyiinta Soomaaliyeed kuna soo wax bartay dalka Sudan.

Wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Maareeye ayaan ka soo muuqa doonin liiskan cusub ee golaha wasiirada, halka wasiirkii waxbarashada Cabdulaahi Goodax Barre uusan ka mid ahayn golahan cusub.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa noqonaya General Muqtaar Xuseen Afrax oo ka mid ahaa saraakiisha cidamada Booliska Soomaaliyeed.

Wasiirka gaashaandhigga iyo Boostada iyo Howlaha guud ayaa ka mid ah wasiirada xilalkooda weyn doona.

Cumar Cali Roobe ayaa waxaa  noqonaya Wasiirka Diinta iyo Awqaafta,waxaana booskiisa weynaya wasiirka ganacsiga Cabdulaahi Cali Xasan.

wixii ku soo kordha kala soco jowhar.com

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More