War-Murtiyeed laga soo saaray Shirka Madaxda Wadamada Safka Hore

Feb. 01 (Jowhar.com)-Waxaa la soo gabagabeeyay shir hal maalin ah oo u socday madaxda dalalka dariska la ah Soomaaliya kaasoo looga hadlayey sidii loo mideyn lahaa hawgallada lagula dagaalayo Alshabaab.

War murtiyeedka laga soo saaray shirka ayaa lagu xusey qodobo badan, oo ay kamid yihiin taageerista dowladda Soomaaliya, adkeynta xiliga kala guurka ee ciidamada ATMIS ay baxayaan, go’aan ku gaarista mideynta hawl galada ciidanka, iyo arrimo kale.

War-murtiyeed shirka laga soo saaray ayaa lagu sheegay inay madaxda ay isla garowsadeen baahida loo qabo iskaashi sare loogu qaadayo garab is-taagga dagaalka ay Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Madaxda waxa ay isku raaceen in la sameeyo howlgal wadajir ah oo lagu sifeynayo deegaanada ay weli ku harsan yihiin ururka Alshabaab.
Wadamada safka hore ayaa soo dhaweeyey codsiga dawladda Soomaaliya ee ah in la helo taageero lagu qalabeeyo cutubyada cusub ee Ciidammada Xoogga Dalka.

Qodobada kale ee War Murtiyeedka laga soo saaray shirka ayaa waxaa ka mid ahaa in la sameeyo hab wadajir ah oo loo sugo amniga xuduudaha,waxaana laga codsaday saaxiibada caalamka inay taageeraan dadaallada xasilinta goobaha laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab si loogu fududeeyo dowladda federaalka inay gaarsiiso adeeggeeda aas-aasiga ah iyo fidinta maamulkeeda.

Shirkan ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee noociisa oo kale oo lagu qabto dalka Soomaaliya,waxayna ahayd markii ugu horeysay oo ay wadamada safka hore si gaar ah ugu shiraan dalka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More