Wararkii u dambeeyay shirka lagu heshiisiinayo Farmaajo iyo Rooble oo ka socda Madaxtooyada Qaranka

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa goordhow ku soo biiray wada hadalada Madaxtooyada uga socday Madaxweyne Farmaajo, Wasiirka Amniga, Agaasimihii KMG ee NISA, halka Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo xubin kale ay dhex dhexaadiye ka yihiin.

Sidoo kale Kusimaha Taliyaha NISA Yaasiin Farey oo uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo ayaa isna ku biiray kulanka ka socda Madaxtooyada, iyadoo horay uu kulanka ku jiray Agaasimaha KMG NISA Sareeye Guud Bashiir Goobe ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ilo ku dhow dhow kulankii hore ayaa sheegaya in is faham laga gaaray, waxaase arrinta ugu weyn ee hadda ku soo biyo shubatay ay tahay xaalka NISA.

Sidoo kale ilaha war galka ee Madaxtooyada ku dhow dhow ayaa sheegaya inay suura gal tahay in illaa caawa la soo afjaro is-maandhaafkii siyaasadeed muddada ahaa.

Khilaafkii NISA ka taagnaa iyo labada garab ee hoggaanka Hey’adda yeelatay labadii bilood ee u dambeeyay ayay u muuqataa in xal kama dambeys laga gaari doono saacadaha soo socdo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More