Wararkii u dambeeyay shirka Musharaxiinta Madaxweynaha oo maanta la soo gabagabeynayo

Shirka Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee ka socda Muqdisho ayaa la filayaa in maanta la soo gabagbeeyo, lagana soo saaro war murtiyeed.

Shirkan oo shalay ku qorsheysnaa in la soo xiro, ayaa sii dheeraaday, iyadoo shalay illaa xalay ay shirka ku soo biireen Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka oo warbixin ay is weydaarsadeen iyaga iyo Musharaxiinta Madaxweynaha.

Jadwalka maanta waxaa uu noqonaya kulamo gelinka hore illaa gelinka dambe oo isugu jira kulan ay la yeelanayaan Ganacsatada oo qeyb ka ah kulamadii caadiga ahaa ee ay la yeelanayeen labadii maalmood qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale waxaa jiri doono shir qadka Zoom-ka oo Musharaxiinta iyo Wakiilada Beesha Caalamka dhex mari doono.

War murtiyeedka ayaa la filayaa inuu qeyb ka noqdo muranka weyn ee ka jira Guddiga doorashada oo dhowaan Musharaxiinta Madaxweynaha si weyn uga soo horjeesteen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More