Wararkii u dambeeyay Xaalada Baxdo iyo Qarax lala eegtay ciidamo gobolka Galgaduud

Wararkii u dambeeyay ee deegaanka Baxdo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xaaladiisu degen tahay ayna dib ugaga baxeen dagaalamayaasha Alshabaab oo saaka weerar ku qaaday deegaankaas.

Dagaal dhexe maray dadka deegaanka iyo dagaalamayaasha Alshabaab ayaa sababay in dib loo celiyo dagaalamayaasha.
Illaa hadda lama sheegin wax qasaaro ah oo soo gaaray labada dhinac ee ku dagaalamay deegaanka Baxdo ee Gobalka Galgaduud.

Dhinaca kale, qaraxa miinada dhulka lagu aaso ayaa ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagula beegsaday meel u dhaxaysa deegaanka Ceeldheere iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku geeriyooday siddeed kalana waa ay ku dhaawacmeen qaraxan oo helay mid ka mid ah gaadiidka ciidamada.
Lama oga ujeedka ciidamada iyadoo ay ku soo beegantay xilli saaka uu dagaal xoog leh ka dhacay deegaanka Baxdo,mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Galmudug.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More