Wararkii u dambeeyay xaalada siyaasadeed: Deni iyo Madoobe oo ka tagaya Muqdisho

Saacadihii u dambeeyay kulamo iyo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed ayaa ka jiray Muqdisho, kaddib go’aankii shalay ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka uu muddo labo sano ah ku kororsaday.

Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa goordhow kulan la qaatay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, iyagoo kala hadlay xaalada siyaasadeed, wixii shalay ka dhacay shalay Baarlamaanka.

Kulankooda oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa labada dhinac waxay ka soo saari doonaan go’aan siyaasadeed oo ay uga jawaabayaan tallaabadii shalay ee Baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa jira kulan kale oo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland la qaateen Safiirada UK, Mareykanka iyo James Swan, iyagoo la wadaagay xaalada iyo go’aankooda, waxaana ay u sheegeen inay dib ugu laabanayaan deegaanadooda.

Waxaa gebi ahaanba soo xirmay albaabkii wada hadalada oo la filayay in dib loogu laabto Teendhada Afisyooni, kaddib markii shalay Golaha Shacabka ay u sameeyeen Farmaajo muddo kordhin labo sano.

Dhinaca kale Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa goordhow la filayaa inay ka ambabaxaan Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda Garowe iyo Kismaayo.

Labo diyaaradood oo kala qaadeysa labada Madaxweyne ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha, daqiiqado kaddib ayayna diyaaradda kici doontaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More