Wararkii u danbeeyay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Jubaland oo ku xiran xabsiga Mandhera

Aug. 16 (Jowhar.com)-Xildhibaan ka tirsan baarlamaabka Jubaland ayaa habeenkii labaad ku xiran saldhiga degmada Mandheera, kadib markii Isniintii lagu xiray Koontaroolka Basaska.

Sida ku cad warqad dacwad oo uu baahiyay wargeyska The Standard, xildhibaan Yuusuf Maxamed Gurxan ayaa la qabtay isagoo heysta kaarka aqoonsiga Kenya oo la sheegay inuu si been abuur ah ku qaatay.

Madaxa waaxda dambi baarista ee dalkaasi Kenya Gitari Muchira ayaa sheegay in inkastoo maamulka Beled Xaawo ee Soomaaliya uu codsaday in la sii daayo xildhibaanka, balse maalinta berri ah maxkamad la soo taagi doono.

Xildhibaan Gurxan oo sidoo kale lagu soo oogay dacwad ah in uu been abuur ka sheegay qaadashada kaarka aqoonsiga qaranka ayaa lagu eedeeyay in uu Kenya ka soo galay meel qaldan

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More