Wararkii ugu dambeeyay Dagaal culus oo ka socdo Boosaaso

Dagaal culus ayaa ka socda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasoo u dhaxeeya ciidanka Puntland iyo kuwa PSF ee ka amar qaadata Agaasimihii xilka laga qaaday Gen. Maxamuud Cismaan Diyaano.

Dagaalkan ayaa salka ku haya xiisadii maalmihii la soo dhaafay ka jirtay Boosaaso ee ka dhalatay xil ka qaadistii Madaxweynaha Puntland uu ku sameeyay Agaasimihii PSF.

 

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xooggiisa uu ka socdo xarunta PSF, agagaarka Dekeda iyo Madaxtooyada, iyadoo hubka noocyadiisa kala duwan la maqlayo.

Khasaare kala duwan ayaa la soo warinayaa inuu dagaalka sababay oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More