Wararkii ugu dambeeyay  dagaalada dalka Itoobiya

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in dagaalyahanno ka tirsan Jabhadda Tigreega ee TPLF ay dileen in ka badan 100 dhallinyaro ah magaalada Kombolcha, iyadoo dhinacyada iska soo horjeeda ay sheegeen inay gacanta ku hayaan magaaladaas oo ku taalla gobolka Amxaarada.

Dowladda ayaa maanta sheegtay in dhalinyarada si koox koox ah ay u toogteen kooxda, iyadoo dadka deegaanka ay soo sheegeen in rasaas saacado badan qaadatay oo ka dhacday magaalada oo bilowday habeen ka hor.

Kooxda TPLF ayaa si degdeg ah uga jawaabin eedeynta xukuumada, taasoo timid saacado kadib markii afhayeen u hadlay kooxda TPLF uu sheegay in kooxdu ay qabsadeen Kombolcha iyo garoonkeeda.

Si kastaba ha ahaatee, dawladda ayaa ka hortimid sheegashada fallaagada TPLF inay maamusho magaalada, oo qiyaastii 380km (235 mayl) waqooyi ka xigta caasimadda Addis Ababa.

Qabsashadan ayaa sidoo kale ka dhigan in kooxda TPLF ay ku sii siqaysay caasimadda Itoobiya.
Dadka deggan Kombolcha ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay rasaas aan kala joogsi lahayn oo dhacaysay habeennimadii iyo saacadihii hore ee Isniintii, iyadoo qaarkood ay soo sheegeen wax u muuqday weerar dhinaca cirka ah oo ka dhacay duleedka magaalada saqdii dhexe ee xalay.

Ciidamada dowlada ayaa labadii todobaad ee ugu danbeeyay duqeymo isdaba joog ah ka waday gobolka Tigreega, balse ma jirin warar hore oo sheegaya qaraxyo ka dhacay gobolka Axmaarada.
Duqeymaha ayaa waxaa dhaleeceeyay beesha caalamka waxayna carqaladeeyeen gelitaanka Qaramada Midoobay ee gobolka halkaas oo qiyaastii 400,000 oo qof ay wajahayaan xaalado macaluul oo kale ah oo hoos imaanaya go’doominta gargaarka dhabta ah.

Dowladda Itoobiya ayaa beenisay in weerar dhanka cirka ah lagu qaaday meel u dhow Kombolcha.
Iskahorimaadka ka socda dalka Bariga Afrika ayaa qarxay bishii November ee la soo dhaafay, markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu ciidamo u diray gobolka Tigray, taasoo uu sheegay inay jawaab u tahay weerar lagu hoobtay oo ay fallaagadu ku qaadeen saldhig ciidan.

Kooxda TPLF oo si fiican u hubaysan ayaa gacanta ku haysay militariga iyo xukuumadda dalkaas ka hor inta uusan Abiy xilka la wareegin 2018-kii.

Iyadoo markii hore laga saaray gobolka Tigrey ururka TPLF ayaa hase ahaatee ciidamada Tigraygu waxay dib u qabsadeen inta badan dhulkooda waxayna bilaabeen inay gudaha u galaan gobollada dariska ah ee Axmaarada iyo Canfarta.

TPLF ayaa waxa ay sheegeen in horu socodkooda uu yahay in ay ku cadaadiyaan dowladda in ay ka qaado go’doominta bilaha ah ee saaran Tigray, oo hoy u ah ilaa lix milyan.

Labada dhinac ayaa lagu eedeeyay in ay geysteen xadgudubyo intii uu socday dagaalka.
Axadii, Abiy ayaa markale ku booriyay muwaadiniinta inay ku biiraan dagaalka lagula jiro kooxda TPLF.

“Dadkeennu waa inay la baxaan… hub kasta iyo agab kasta oo ay u haystaan ​​inay ku difaacaan, iska caabiyaan oo ay aasaan argagixisada TPLF,” ayuu ku yidhi qoraal uu soo dhigay Facebook.

Dhanka kale xukuumada Axmaarada ayaa ku amartay ku dhawaad ​​dhamaan hay’adaha dowliga ah in ay joojiyaan howlahooda caadiga ah ayna kusoo biiraan dagaalka.

Waxa kale oo ay mamnuucday inta badan dhaqdhaqaaqyada magaalooyinka wixii ka dambeeya 8pm.

Arrintaas ayaa timid maalin kadib markii dagaalyahanada Tigreega ay sheegeen in ay qabsadeen magaalada ku dhow ee Dessie, oo sidoo kale ka tirsan gobolka Axmaarada. Dawladdu way beenisay qabashada.

Goob joogayaal ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in israsaasayn soo cusboonaatay ay sidoo kale ka dhacday Dessie Axadii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More