Wararkii ugu dambeeyay doorashada Golaha Shacabka Hirshabelle

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka HIRSHABELLE (SEIT) ayaa Shahaadada Musharaxnimada Gudoonsiiyey Murushixiinta u Tartamaysa lix kursi oo lagu wado in doorashadooda ay ka dhacdo magaalada Jowhar berri oo ku beegan 31ka bisha Janaayo 2022.

Musharaxiinta ay guddiga siiyeen shahaadooyinka ayaa waxaa ka mid ah lixdii xildhibaan oo afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kuraasta lagu dooranayo berri magaalada Jowhar.

Hase yeeshee doorashada lixda kursi ee ugu horeysa ee lagu dooranayo magaalada Jowhar ayaa u muuqda inay tahay doorasho aan lagu tartami doonin oo dhammaan lixda xildhibaan ee hore kuraasta ugu fadhiday ay soo qorteen Malxiis ama loo tanaasuli doono.

Waxaa magaalada Jowhar isaga tagay musharaxiin dooneysay inay tartamaan iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in ergada qaabka lagu soo xulay ay tahay mid ay horboodayaan lixda xildhibaan ee hore kuraasta ugu fadhiday.

Maamulka Hirshabelle ayaa doorashadii kuraasta Aqalka Sare ku helay ammaan badan kadib markii si weyn loogu tartamay kuraastaas.

Halkan hoose ka aqriso kuraasta magacyada ixda kursi ee lagu tartamayo

1- Kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP#052 ayaa waxaa ku tartamaya oo shahaadada la siiyay
1) Farxiyo Axmed Dhaqane iyo
2) Faadumo Yuusuf Cumar

2- Kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP#088 ayaa waxaa ku tartamaya oo shahaadada la siiyay
1) Dahabo Suusow Maxamuud iyo
2) Jamiilo Maslax Bulow

3- Kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP #098 ayaa waxaa ku tartamaya oo shahaadada la siiyay
1) Maxamuud Maxamed Jimcaale (SEESEEY)
2) Ubax Haashim Odowaa.

4- Kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP#097 ayaa waxaa ku tartamaya oo shahaadada la siiyay
1) Khadiijo Maxamed Diiriye
2) Hodon Maxamed Xirsi

5- Kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP#005 ayaa waxaa ku tartamaya oo shahaadada la siiyay
1) Maxamed Cumar Ceymoy
2) Maxamed Cumar Cali.

6- Kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP#033 ayaa waxaa ku tartamaya oo shahaadada la siiyay
1) Yuusuf Ibrahim Afrah
2) Maxamed Xuseen Sabriye

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More